Madbacada Hiil Press

Wan iyo Waraabe

In stock
US$10.00
Dhabtii, saarka Carays Ciise waxay ahayd in waa hore la uruuriyo. Waxay ahayd in waa hore la qoro. Waxay ahayd in waa hore la daabaco. Waxay ahayd in waa hore loo soo bandhigo Soomaalida iyo shisheeyaha
murtideeda jecel, si hal’abuurkiisa cuddoon looga wada haqab-beelo. Nasiibdarro, hadda ka hor, taasi ma dhicin. Sababtuna? Waa daryeel li’ida Afsoomaaliga la soo deristey wixii ka dambeeyey Qaranjabkii Soomaaliya ku dhacay ee 1991kii ku bilawday, welina ay la il-daran tahay.
Carays keliyana ma ahee, maansoyahanno faro badan ayaan, ilaa hadda hal’abuurkoodii far loo dhaqaajin. Waa maansoyahanno la filaayey, haddiiba Afsoomaaliga la qoray, in la uruurin doono murtidii ay ka tageen, dabadeedna la faafin doono. Taasise ma dhicin markii laga reebo tiro yar oo laga xusi karo Sayid Maxamad, Ismaaciil Mire, Salaan Carrabeey, Aadan-Carab, Timacadde……. Weli yaa u kacay gabayadii iyo geeraarradii maansoyahannadii qarnigii 19aad sida Raage Ugaas, Faarax-Afcad, Aadan-Gureey, Qammaan Bulxan, Cali-Dhuux, Cabdi-Gahayr, Faarax Nuur iyo raggii la ayniga ahaa?
Yaa inoogu maqan, laguna hallaynayaa uruurinta maansada qarnigii 20d raggii
ku soo caan-baxay sida Samatar Baxnaan, Faarax Shuuriye Daarood, Cali Afyare,
Cumar Cigaal, Cali Xuseen, Xuseen Aw-Faarax, Xaashi Cali-Barre, Ibraahin Mire ‘Fiqi-Buraale’, Xaaji Maxamad Axmed Liibaan, Cabdi Iidaan Faarax iyo tobannaan kale oo kuwaas aan ka yaraysan jirin? Waa hawl cilmibaaraha Soomaaliyeed sugeysa.
Product Details
  • Paperback
  • Somali
  • 2021

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.