Madbacada Hiil Press

Ubaxii Murugada

567 left in stock
Buuggaan waa buug cajiib ah, waxa uu ka kooban yahay hal qiso iyo 12 sheeko, oo midaba mid meel fadhiiso ay dhaheeyso, buuggan aniga oo aan aqrinta sheekooyinka ku fiicnayn ayuu igu qasbay in aan labo maalin la qaato si uu igu waraabiyo maaxda dhax duruurto...
US$6.00

Buuggaan waa buug cajiib ah, waxa uu ka kooban yahay hal qiso iyo 12 sheeko, oo midaba mid meel fadhiiso ay dhaheeyso, buuggan aniga oo aan aqrinta sheekooyinka ku fiicnayn ayuu igu qasbay in aan labo maalin la qaato si uu igu waraabiyo maaxda dhax duruurto, sheekooyinka midba midbay ka murugo iyo dhibaato badan tahay, waxa aad mooddaa qoraayadda in ay qali ka u qaadatay meelo boog ah oo daahsoon, sheekooyinka waxaa ka mid ah UBIXII MURUGADA waxa ay ku dhigan tahay in ka badan 90xaaanshi haddan kuuma oggolaaneeyso in aad dhulka dhigto.

 

Waxaa kaloo cajiib ah sida ay ereyada u xulaneyso, malaha suugaanta ayay PhD ka sidatee, mise waxa ay ka soo biya cabtay darkii Maxammed Daahir Afrax qoraagii MAANA FAAY, ashqaraarka aad ku dhax arki doonto buugga waa sida loo rakibayo la iskugu tixayo loo soohayo ereyada iyo muuqaaleynta goobta kolka aad aqrineyso waxa aad moodda in aad daawaneeyso movia Netfalax ka socdo, kaas waa indhaha oo kaliyee kanse waxaa kuu dheer in aad afkaaga xoojin doonta macnaha aad heli doonto ereyo cuddoo oo hodon ah.

 

 

Waxaa i soo jiitay intii aan aqrinayay buuggan sida ay u furfureyso sheekada iyo sida kolka aad mid dhameeyso ugu sii durkeeyso midda kale.

 

Kama gayoon karo qoraalna kuma soo koobi karo, waxa kaliya oo aad ku heli kartaa waxa aan helay iyo ka badan in aad soo iibsato ka dibna aad aqrido.

 

Hassan qaraabo

Product Details
  • Paperback
  • Somali
  • 2022
  • Hiil Press

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.