Madbacada Hiil Press

U sahami adoon rarin

In stock
US$10.00
  • 9 781637 604519
Diiwaankan waxaa ku uruursan qaar ka mid ah gabayadii Dr. Cali oo ku saabsan arrimo kala duwan oo taabanaya nolosha iyo kobcinta dareenka bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo waayo kala geddisan iyo munaasabado kala duwan uu ka tiriyay.
Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar waa aqoonyahan soo ahaa bare jaamacadeed 1984tii illaa 1993dii. Wuxuu dalka dib ugu soo noqday burburkii kaddib, 1993, isaga oo ka soo shaqeeyay hawlo isugu jira samafalka, wacyi-galinta bulshada iyo waxbarashada. Markuu burburku dhacay waxa uu ka mid ahaa dadkii ka qaybqaatay dib u soo celinta waxabarashada dalka.
Wuxuu Dr. Cali ka mid ahaa aasaasayaashii Jaamacadda Muqdisho, taas oo uu guddoomiye ka ahaa 1997-2016, isagoo hadda ah xubin ka mid ah golaheeda maamulka. Dr. Cali ayaa hadda ah guddoomiyaha hay’adda Bariga Afrika ee cilmibaarista iyo Horumarinta (DAD), wuxuuna sidoo kale la taliye u yahay tiro hay’ado ah oo ka shaqeeya waxbarashada iyo adeegga bulshada.
Dr. Cali wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Dalladda Waxbarashada FBENS ee laga unkay Muqdisho sannaddii 1999kii. Wuxuu sidoo kale qayb ka ahaa aasaasiddii Golaha Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo uu 1995tii ilaa 1997dii u qaabbilsanaa xiriirka caalamiga ah.
Waxa uu sidoo kale sannadihii 1994tii, 1995tii iyo 1996dii ahaa Guddoomiyaha Xarunta Geeska Afrika ee Cilmibaarista iyo Warbaahinta.
Dr. Cali waxa uu maktabadda Soomaaliyeed ku soo biiriyay buugaag daabacan iyo kuwo aan daabacnayn oo isugu jira taariikh, waxbarasho, shareeco iyo suugaan.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.