Baqdin xarig ay ka qabaan iyo ogaanshaba ,nasiib wanaag diyaaradii ku hakatay Dubia ,markii dambe soo caga-dhigte Muqdisho si diiran oo maamuus leh ayaa loo soo dhoweeyey oo reerkooda intii uu Hindiya joogay ayuu ka dhaadhiciyey siday arini tahay sidaas darteed jacaylkiisii u hel taageero dhanka reerkiisa ah.
Sunita dadkii soo dhoweeyey maahane intii kale ku diime oo ku dheygage kana sheekeeye balse hooyada Cumar dhashay mar walba oo Sunita qariib dareento u tag oo ka bi'i bay dhahdaa."
Arbaha sheekadu waa arday Soomaali ah, Cumar, oo isaga oo dalka Hindiya waxbarasho jaamacadeed u jooga ay kulmeen qalanjada sheekada, Suniita, oo uu dhalay macallinka Cumar. Suniita iyo Cumar is araggooda is caashaqoodaa xigay, halkaana waxaa ka falkismay dhacdooyin aan labadooda ku ekaan ee saamayn wayn oo halis ah ku yeeshay dhammaan ardaydii Afrikaanka ahayd ee dalka Hindiya waxbarashada u joogay waagaa, ilaa heer qalalaase dublamaasiyadeed oo xasaasi ahi ka dhashay.