Kolka aad kala furtidba waxa aad safarka ka bilaabaysaa dhacdo ka mid ah kuwii qarnigii tegay ugu saamaynta badnaa. Waa dilkii madaxweynihii Maraykanka ee Kenedy. Maxaa loo dilay? Muxuuse ahaa sirta ka dambaysa siliskii laabtiisa ka laalaaday? Si aad warcelimahaas u heshid ayaa aad u ambabaxaysaa safar dheer. Kumanaan sane ayaa aad dib u laabanaysaa. Waxa aad ku baraarugi doontaa adiga oo hor taagan Boqorkii Baabil ee weynaa , Xamuuraabi.
Waxa aad si xiiso leh uga boganaysaa siro waaweyn oo ay ahaydba in aad mar hore ogaatid. Adiga oo aan is dhaadanayn ayaa aad mar kale safar gelaysaa ood dib ugu soo ordaysaa dhabbadii taariikhda. Dawladdii Aashuuriyiinta ayaa aad ku hakanaysaa. Waxa aad goob joog u ahaanaysaa boqorkii awoodda badnaa ee Sanxaariib iyo geeridiisii. Waa maxay sababta ay innamadiisu u dileen ayaa aad isweydiinaysaa. Kolka aad jawaabtaas heshidna waxa aad si kedis ah indhaha ugu kala furaysaa Dawladdii Cabbaasiyiinta iyo Haaruun Arrashiid oo dhaaranaaya. Dhacda kastaa waxa ay kuu sii gudbinaysaa mid kale oo ka sii xiiso badan, si aad siro badan iyo xogo kala duwan u heshid.
Waxa aad hadba bog u soo rogi doontaa adiga oo u hamuum qaba siraha ku duugan illaa aad dib ugu soo libidhid jidkii dheeraa ee taariikhda. Dawlado iyo boqortooyin waaweyn ayaa aad qasriyadooda ka soo dhex muuqanaysaa, waxana orodkii iyo xiisihii aad buugga ku bilawday ku imanaysaa xaashadda ugu dambaysa adiga oo xogo badan helay, wacyigaagiina uu koray isla markaanaa faham buuxa ka haysta siyaasadda, taariikhda iyo aragtida shirqoolka.