" Waqtigii aan bilaabay buuggan aniga oo ka warramaya waxyaabihi igu dhaliyay waxa ka mid ah in aan dadkeeennii hore lahayn qoraal rasmi ah oo ay wax ku ururiyaan dabadeedna ay sidaa ku luntay suugaan badan oo ay lahaayeen ayay iigu muuqatay in aan buuggan ku qoro qaar ka mid ah suugaanta aan tiryey si ay u hadho. intaa ka dib suugaantu sideedaba waa shay lagama maarmaan ah qofkuna waxa uu ka heli karaaa maskax korodhsi sidaa awadeed ban u idhi
"Nimayahow garaad ka maqnaa gabaygu weeyaane"
"haddii aynu si kale u eegno waa deeq Illaahay bixiyo waxaana lagu garan karaa iyadoo dadka qaar lagu mannaystay qaarna aanay curin karin ama keeni karin waxay la mid tahay qaarba xoolaha loo siiyay qaarna caydh looga dhigay; annigoo taa ishaaranaya waxaan idhi:
"Illaah baa isiiyey oo ma jirro aadmi ii dhigaye"
"edeb iyo wuxuu iigu daray arragti diimeede"
Taas waxaan ula jeedaa in ay tahay suugaantu wax uu Eebbe hibo ii siiyay iyadoo aanan dhiganin sida tacliinta diinta balse diinta waxaan u maray barasho iyo hawl.
Buuggan kaga bogo tix iyo tiraab murtiyeed oo uu leeyahay abwaanka qoraaga "Xasan Shiikh Muuse Sii Arag"