Aragtida koobaad buuggani wuxuu kuu bilaabmayaa kolkay indhahaagu sadarradan qabtaan: “Safarrada i soo maray way badan yihiin. Inta aan is leeyahay waa lagu la dayan karaa aad ayay u tira yar yihiin.
Kaan soo wadaa ka mid ah, waana kii iigu cajaa’ibka badnaa.
Cajabtiisu xaggee bay ku jirtaa? – Waa kii ugu gaabnaa, oo habeen keliya ayaa safarkaa lagu maqnaa. Waa kan keliya ee aan madaxweynaha u raacay – Waa kan keliya ee si toos ah ama dadban ula xiriira dhacdooyin ka horreeyay ama ka dambeeyay… Kuwaas oo noloshayda saamayn ku reebay, qof ahaan, qoys ahaan, iyo qaran ahaanba – Waa kan keliya ee aan kala wada kulmay kedis, dalxiis, kaftan, digniin, booqasho aan u busaylay 10 sano ka dib, iyo go’aan kii iigu qaraaraa aan gaaro. Arrimahan isku guda jra, sidee baan u kala guraa, xaggee ka bilaabaa?”