Madbacada Hiil Press

Saddex Geeriyood

234 left in stock
US$2.00
Sheekadan gaaban waxa qoray Leo Tolstoy, Afka ruushka magaca "Tri Smerti" ayey ku soo baxday sheekadu, waxaana la daabacay sannadii 1859. Tolstoy waayihii dambe ee noloshiisa waxa soo foodsaaray culays nafsadeed oo kaga imanayey waydiimo uu furdaaminkari waayey ayna ugu horreeyaan macnaha nolosha iyo lama huraannimada geerida. Maxaynu u geeriyoonnaa? Iyo haddiiba aynu dhimanayno maxaynu uga cabsannaa geerida horteed? Waa labada waydiimood ee dhextaalka u ahaa waxqabadyadiisii dambe badidooda.
Haddaba sheekadan gaaban waxa uu ku sargooyey naf jacaylka dabaqadaha Aristoqraadiga ah iyo sida ay nolosha ugu dhagganyihiin xitaa haddii naftu iskasii gurayso. Middaas ayuu barbardhigayaa nolosha fudud ee geerida aamusan ku gabgabowda ee saboolka. Waxa uu sidoo kale hogutusaalaynayaa geerida basharku sida ay saamayn ugu leedahay ama sababba ugu noqoto dhimashada dabeecadda ku xeeran ee dhir iyo mayeedhaan kaleba leh. Duurxulka sheekadiisan iyo falsafaddiisa geeriduna waa: in markasta oo uu qofku wacyigiisu kordho uu darxuma la sii darso taaganta uu noolyahayna uga doolo timaaddada maqan ee geerida iyo gabowba leh. eelka oo dhan waxa uu ku sababeeyey Tolstoy ogaalka geerida ee uu basharku madiga ku yahay.
Product Details
  • Hardcover, Paperback
  • Somali
  • 2021
  • Hiil Press

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.