Madbacada Hiil Press

Robinson kuruusow

In stock
US$7.00
Robinson waxa uu ku dhashay magaalada York, wuxuuna la noolaa aabihii iyo hooyaddii oo gaboobay, waxayna daganayeen isla magaaladaan kadib markuu aabihiis ganacsi iyo hanti uu ku yeeshay. Hooyadiis iyo aabihiis waxay dhaleen isaga iyo labo wiil oo kale, labada wiil midna dagaal ayuu ku dhintay midna intuu socdaalay ayaan warkiisaba la hayn, sidaas darteed aabihiis wuxuu ku dadaalay isaga koriimadiisa iyo waxbarashadiisa. Robinson isna sida walaalkii ayuu jeclaa socdaalka, se, isaga lagama yeeli doono maadaama waalidkiis isaga kaliya uu u haray. Aabihiis wuxuu jeclaa inuu barto sharciga, balse da’yar Robinsow wuu iska diidayaa rabitaanka aabihiis, isaga oo dooranaya inuu noqdo badmareen halka uu baran lahaa sharciga. Aabihiis wuxuu u sheegaya haddii uu ku madax adeygo bixitaankiisa inuu habaarayo, safarkaasna daal iyo guuldarooyin wax aan ahayn inuu ka heli doonin. Robinson sidaas ayuu maalin cad uga soo baxaya magaaladiisi, qoyskiisi iyo hantidii aabihiis.
Buugga qayb ka mid ah ayuu noogu sheegaya hadalkii aabihii inuu run ahaa habaarkiisina la aqbalay uu safarkaas kula kulmay guuldarooyin aan wali ruux lasoo gudboonaan. Socdaal dheer oo lahaa habaar waalid iyo huuqda doonida dul sabaynaysa badweynta, wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisi Soddan iyo Shan sano kadib, Labataan iyo Siddeed ka mid ah uu ku noolaa jasiirad waaqla ah uu isaga kaliya uu ku noola boqorna iskaga dhigay. Wuxuu soo laabanaya labadiisi waalid oo seben hore aakhiro u jihaysteen. Robinson soo laabashadiisa kadib wuxuu ku dareemayaa dalkiisa qariibnimo sidaas ayuu mar kale u socdaalayaa hadana.
Dhammaadka buugga wuxuu ina leeyahay Robinson ”Hadda nin gaboobay oo duq ah ayaan ahay, waxaanna soo maray sannooyin badan oo guuldarro iyo hoog leh. Haseyeeshee, waxaan ku tashanahay inaan hadda ku dhaqaaqo socdaallo kale oo kuwii hore ka dhaadheer. Waxaanse ogaaday inaynu cimrigeenna deganaan iyo rabsho la’aan ku dhammaysannaa iney haboon tahay”.
Ma rabo inaan kusii dheeraado ka hadalka buugga, buuggaan waxaa ii diray oo markii u horreysay iiga sheekeeyay Ustaad Moha-Nur Hussein, isaga oo PDF ahna ila wadaagay. Inta aana akhriska PDF-ka bilaabin ayaan arkay in shirkadda daabacaadda Hiil Press buuggaan ay dib usoo cusboonaysiinayso, dhawaanna uu dalka soo gaari doono.
Muddo shan iyo toban maalin ah kadib waxaa isoo gaartay akhbaar ah inuu buuggii yimid, diyaarna yahay, shalay ayuu uu yimid anigana oo xalay ayaan ku cibaadaystay. Hal habeen ayaan ku akhriyay, sababtuna waa inuu yahay buug fudud, sheekaduna taxane tahay, isla markaasna xiiso badan. Waa buug taariikh leh illaa iyo haddana gaboobi la’. Waana buug yar iyo waynba ay akhrin karaan. Qaab xiiso lehna wuu u turjumay Idaajaa, haddaad bilowdo inaad dhigto way kugu adkaanaysaa sida anigaba igu dhacday. Boggagiisu waa 155 bog.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.