Shillin kor loo tuuray 1969kii oo dalaq ku soo yidhi god ay ku wada jiraan dad madhan oo is ku dan iyo is ku damac ah oo hoogga iyo halaagga ummadda isu gaashaanbuuraystay oo sharcigii iyo xeerarkii ummaddu ku heshiisay ku xooray meel cidlo ah oo bahalo iyo boholo ka buuxaan, oo shacabkii ay masuulka ka ahaayeen u gaystay qas, qalalaase iyo qudhbax, ayaa saldhig u ah dhiganahan!