Madbacada Hiil Press

Murugo

In stock
US$10.00
MURUGO waa sheeko ku saabsan wiil barbaar ah oo nolol qallafsan ku barbaaray. Wiil aan waligii arag gacaltooyadii iyo koolkoolintii carruurtu ka heli jireen waalidkood. Waalid la’aan buu ku barbaaray. Jabhadnimo iyo jeelal Muqdisho iyo Nayroobi ah buu ku qaadanayaa noloshiisa barbaarnimo. Jacayl iyo kalgacal buu u qaadayaa gabadh ay ku kulmi doonaan Nayroobi. Nolosha ayaa hadba haadaan ka tuuraysa, kolka u dambaysana ku soo tuuraysa xeebaha bari; Boosaaso.
Gabadh uu gaclooday bay ugu dambaynta is guursanayaan. Nolol kale oo tii hore ee qallafsanayd ka duwan buu gelayaa. Nolol lacag iyo shaqaba leh. Laakiin noloshan dambe Samatar wuu iska kala qubayaa, oo hawadiisa ayuu raacayaa, oo gabadh kale ayuu bilaabayaa inuu la tunto. Dabadeed wuxuu ku dhacayaa hog kale oo halaag ah oo la mid ah kii uu ku soo barbaaray.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.