Waxay ahayd todobaatannadii; maalintii ka dambaysey dabbaaldegga jiilaalka ee St. Nicholas 1 . Xaafadda ayaa ayaantan
xafladaysanaysey. Suuraggal may ahayn Vassily Andreich Brekhunov, oo ahaa ganacsade derajada labaad 23 ah, sidoo kalena ahaa ninka leh albeerkada xaafaddu, inuu maqnaadaa. Wuxuu ku qasbanaa inuu kiniisadda joogo, maaddama uu ahaa masuulka kiniisadda, iyo inuu guriga ku qaabillo, kuna madaddaaliyo, qoyskiisa iyo asxaabtiisa. Ha se ahaatee hadda qofafkii martida ugu dambeeyey way baxeen, Vassily Andreich:na wuxuu u diyaargaroobey inuu si dhakhso ah u aado mulkiile dhul oo ay jaar ahaayeen, oo uu rabey inuu ka gato geedo uu muddo badan ka baayacayey.
Vassily Andreich wuxuu doonayey inuu degdeg u socdaalo, si aanay ganacsatada magaaladu qiime kiisa ka sareeya ugu iibsannin badeecaddan faa’idada leh. Ganacsadaha da’da yari wuxuu geedaha ku iibinayey toban kun, Vassily Andreich-na keliya toddoba kun buu u soo bandhigay..