"Buugga "Mar La Arag" Waa sheekofaneed si heer sare ah oo xirfadaysan loogu soo gudbinayo tacaddiyada jinsiga ku saleysan oo haweenka soomaaliyeed la kulmaan, laguna daah-qaadayo nolosha ciriiriga ah ee xayn-daaban ee ay ku dhex noolyihiin dadka joogga gaaban si uu u xoojiyo la dagaallanka iyo ciribtirka tacaddiyada iyo takoorka si guud, uguna qayb qaato is-dhexgalka bulshada iyo u sinnaanta fursadaha oo ka mid ah waxyaabaha horseeda helidda xasilooni iyo nabad waarta."