Buuggani waa baadhis taariikh qoto dheer oo raadraac sugan leh, kuna saabsan sooyaal nololeedkii Xaaji Sharma'arke Cali Saalax oo socotadii yo maamuleyaashii reer Yurub ee xeebaha Berri Soomaali soo gaadhi jirtay dhexdooda kaga can baxay "The Political Boss of the Somali Coast" ama Maqaddinka Siyaasadda Xeebta Berri Soomaali. Xaaji Sharma’arke ayuu buuggani in badan xog innaga siinayaa, wuxuu inoo iftiiminayaa in Xaajigu kamid yahay dad badan oo bulshadan waxtar iyo waxgal u ahaa oo taariikhdooda la mooggan yahay. Waxa aad wax ka akhriyaysaa badhtamihii qarnigii 19aad, waa marxaladdii Xaaji Sharma’arke lagu bartay maamulihii magaaloxeebeedka Saylac.