Dhallinyartii tahnibtay waxay qirteen in ay sameeyeen, khaladkii ugu xumaa, ugu doqonniimada badnaa uguna maangaabsanaa. Waxa kale oo ay qireen, naftan ku jirta ee Ilaahay siiyay ee uu waliba karaameeyay, in aanay qaddarin oo dhaldhalaal dhalanteed ah u sii mareen dhimasho kana fogaynayso naxariistii alle ayey si cad u arkeen.