Dhiganahan waa ay yar tahay cid aan baahi u qabin, qof yar iyo qof weyn, lab iyo dhedig, aqoonyahan iyo agnaan, sababta oo ah waxa uu fahan qoto dheer kaa siinayaa jinsiga kale ee noloshaada qaybta ka ah, qasab ma aha qofkaasi in uu lamaane noqdo, ee waxa uu noqon karaa waalid, walaal amaba ubad. Jinsiga kale abuurtiisa iyo qaab dhaqankiisa kolka aad fahanto, waxa Meesha ka baxaya ismaandhaaf badan oo nolosheena ragaadiya, waxa aad garwaaqsanaysaa dhaqanada, hadalada, ficilada iyo falcelinta lamaanahaagu gefkooda keligii in aanu wada lahayn, ee ay suuragal tahay fal aanad dhaadaynin balse isaga dhiillo ku ah in aad ku kacday.
Xogaha ugu qiimaha badan ee qofku dhiganahan uu ka dheefi karo waxa kamid ah, labada jinsi waa ragga iyo dumarka’e, in ay erayo isku mid ah ay adeegsadaan, hasa ahaatee micno kala duwan ay u adeegsadaan, taasina waxa ay keentaa lamaanaha in ismaandhaaf tira badani uu soo kala dhex galo. Raggu erayada waxa ay u adeegsadaan keliya in ay ku wada xidhiidhaan, sidaa awgeed waxa ay adeegsadaan weedhaha ugu dhow ee dantooda abbaari kara, balse dumarku hadalka iyo weedhaha waxa ay u adeegsadaan dano tiro badan oo ay kamid yihiin in ay xog ku gudbiyaan, in ay ku nafisaan, in ay taageero isugu fidiyaan iyo codsi ay rabaan in ay si sarbeebaysan ay ugu gubdiyaan.
Dhiganahani waxa uu ka kooban yahay 13 cutub, cutubyadaasi waxa ay qaadaa dhigayaan mawduucyo kala duwuan oo ay kamid yihiin kala duwanaanshiyaha asaasiga ah ee ragga iyo dumarka u dhaxeeya, afafka kala duwan ee ay ku kala hadlaan, ‘’Hogga raggu ay galaan’’ iyo ‘’Hirarka dumarka’’ oo uu si waafi ah u faahfaahinayo , qaabka ismaandhaafka looga dhawrsan karo, qaabka jinsiga kale loo dhiirigelin karo iyo qaabka lamaanahaaga aad ugu deeqi karto taageero caadifadeed si galkacalka idinka dhaxeeyay aad u dhawrto.
Inta aanan dhiganahan soo aftebin kahor kolkii aan kahriyay, runtii noloshayda shakhsiga ah iyo xidhiidhadayda wax badan ayuu ka bedelay, kolkaas ayaan u arkay in uu mudan yahay bulshadayda in aan la wadaago, si iyaguna ay uga haqab-beelaan xogaha dheefta badan ee dhiganaha dhex ceegaaga.
Be the first one to review this product.
Your review is submitted for approval.
Subscribe to Our Newsletter
Subscribe to our newsletter & get notification about discounts.
Subscribe to Our Newsletter
Subscribe to our newsletter & get notification about discounts.
By subscribing to our newsletter you agree to our Privacy Policy.