Madbacada Hiil Press

Lama-dego

In stock
US$10.00
Ma fududa in waaya’aragnimo nololeed dheer oo qof leeyahay dhammaanteed qoraal xusuuseed kooban lagu wada idleeyo. Waxaa iyaduna adag go'aansiga inta laga xusayo ama laga tegayo xusuustaa qofka
jiritaankiisa nololeed iyo waxqabadkiisuba ku salaysanyihiin. Hase ahaatee, waxaa jiraa qaybo aad uga dhex muuqda saamayn wayn iyo summadna ku yeesha qofkaa, kuwaa oo aanay sinaba suuragal ahayn in laga tago marka ugu dambayn la qorayo. Buuggan, LAMA-DEGO, waa buugii The Journey of My Life: Serving My People with Pride and
Dignity oo af Soomaali loo rogay. Waxaa uu si toos ah u iftiiminayaa, sida dhabta ah, in qofku inta uu noolyahay oo dhan ay la soo gudboonaadaan dhacdooyin nololeed oo marka ay ururaan sameeya mucda waaya-aragnimo iyo adduun-arag ee qofkaa. Muhiimmadduse ma aha dhacdooyinka ee waa saamaynta ay qofkaa jirtitaankiisa ku yeesheen noloshiisana dhan ugu duween. Tusaale ahaan, qoraaga buuggan, Dr. Xasan, waa Wasiirkii hore
ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, waana dhakhtar muddo aqoontiisa caafimaad meelo iyo heerer kala duwan kaga hawlgalay dadkiisa iyo dalkiisana muddoo dheer ugu shaqeeyay.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.