Madbacada Hiil Press

Laba-eef

In stock
US$9.00
"Laba-eef" waa sheekofaneed ka warramaysa sida uu burburkii waddanka ka dhacay uu qof walba u taabtay.
 
Qiso-faneeddani waxay sawir ballaaran ka bixinaysaa dagaalladii sokeeye ee horraantii sagaashannada dalkeenna ka qarxay, qaran-burburkii dhacay, sokeeye-dirirkii xigay ee Soomaali kala irdheeyay, hooggi iyo halaaggi ka dhashay, dagaaggii baday inay afarta garjaho dunida ku qaxootiyowdo. Maatideedu qubaneyaal ahaato. Aafooyinki silsillada ahaa...eelkii laga dhaxlay...Ilaa ay maantadan sadarradeedu qormayaan laga lug bixi la'yahay, ayay toosh afar-qaad ah ku daaraysaa.
Sagal Daahir, gabadha ay sheekadu ku socoto, reerkoodii Wadajir degganaa waxaa ku soo qaxay qoysas badan oo ehelladooda u badan. Meeluu Alle wax ka wado dameeraa weylo dhala e. Xaaladdaa cakirran. Allowda joogta! Cabsidu godlatay..! Dagaalku carcarta yahay. Dhallinyaradii gurigooda soo miciinsatay mid ka mid ah gaclootay, uurkana ka jeclaatay, kalgacayl daran u qaadday, iyadoon u bandhigan, afka kala maagaysa, xishood ugubnimo ku dhiirran la' ayuu xaafaddii ka wareegay!
Baadigoobkiisii ayay u dhaqaaqday, ilaa ay is aragtay iyada oo bartanka u taagan meel ay xabbadi ka holcayso. Waxay afka ka dhawrtaba waxay dani badday inay aakhirkii u bandhigto isaguna wuxuu ku qaabilay soo dhawayn liidata. Markii ay garawsatay in aan waxba gacmaha ugu jirinna Tahriib ayay isku qaadday!

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.