Madbacada Hiil Press

Kaalinta Indheergaradka

Out of stock
Buuggani wuxuu ka dhashay khudbado taxane ah oo uu qoraagu sagaashameeyadii u qabtay barnaamishka BBC ee Khudbadaha Reith. Waana sababta aynu gudaha buugga ugu arkayno qoraaga oo cutubyada ku sheegaya “khudbado,” maaddaama cutub kastaa yahay khudbad iskeed ah. Dhammaantood waxay xoogga saarayaan masuuliyadda indheergaradka shakhsiga ahi ay tahay in uu qaado iyo kaalinta ay tahay in uu buuxiyo.
US$10.00

Wuxuu indheergaradka u arkaa, ugu horraynba, fallaag aanay qancin waayaha la qaayibay ee iska socdaa, balse inta uu dhagax naqdin la yidhaahdo qaato ku kala firdhiya biyaha taagan. Sida uu Idwaard Siciid, qoraagu, qabana indheergaradku bulshada iyo madaxda toona u ma guulwadeeyo oo u ma nacamleeyo. Taa beddelkeedana, indheergaradku wuxuu mar kasta sidii qof qariib ah oo aan runta kala gabbanayn ugu halgaadaa ciddii ay khusayso. Indheergaradku ma aha, ayuu buuggani ina barayaa, qof xisbiyayn iyo firqayn iyo kooxayn waqtiga iskaga lumiya e, waa noole madaxbannaan oo iskii calan u leh in wax loo yeedhiyana geeri ka xiga. Sababtaas ayuu indheergaradku u yahay qof mushahardiid ah oo aan maskaxdiisa ka dhigin maqal lala leeyahay oo hadba ciddii muruq iyo maal lihi wax gashato. Dhanka kale, indheergaradku marna ma yeesho sanamyo uu iska dhaadhiciyo oo u go’o e, in sanamyadaa weerar aqoomeed la iskaga xoreeyo ayuuba ka shaqeeyaa. Astaamahaa iyo kaalmahaa uu indheergaradka dhabta ahi leeyahay ayuu qoraagu ku tiiqtiiqsanayaa. Qayb ahaanna waa sababtaas midda uu buuggani inoo khuseeyaa. Marka aynu fahanno indheergaradka dhab ah, waxa yaraanaya in aynu iska yuraynayo kuwa bugta ah ee harawsiga bulshada shaqada ka dhigtay
Product Details
  • Paperback
  • Somali
  • 2020
  • Hiil Press

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.