Madbacada Hiil Press

Jiridda Baambu

In stock
US$7.99 US$10.00
Qof kaste waxa uu dhashaa isaga oo aan dooran, waxa iyana dhacda in uu dhasho isaga oo aanay xataa waalidkii dooran in ay dhalaan, waxana ay sidaa dhalashadiisu ku noqotaa shil; shil dhacay oo uu noqday cawaaqibtii ka dhalatay oo lagu kala geddisanaan karo sifeynteeda oo midkeen ku sheegi karo “cawaaqibxumo” midkeenna waxa uu doono.
Cawaaqibtii shilku waxa ay noqotaa ‘Qof’ yeesha muuqaal, magaca, hayb iyo diin dhammaantood leh summado iyo soodimo isugu jira ceeb, xumaan, gobonimo, gunnimo, faan iyo quudhsi oo waxa laga yaabaa in uu qofku si shil ah u galo xayndaabka quudhsiga ama gunnimada sidaana ku noqdo qof la gumeeyo oo loo qaddaray in la dhibaateeyo.
Qof in la dhibaateeyaa waa wax loo fahmi karaa siyaabo badan, ha se ahaato e ka warran haddii qofka dhibaateynayaa uu yahay dhibbane ku qasban in uu dhibtaa geysto? Bulshadu waa sida daad socda, qofkuna waa dhibic ku soo biirtay oo sida badan ku qasban in ay u socoto dhanka ay biyaha daadku u rogmanayaan oo ay ka mid tahay in ay jiidhaan waxii ay ku soo hagaagaan iyaga oo aan dooran ee dirqan. Qofku waa uu ku dhex carbismaa bulshada uu ku dhex dhashay, waxa uu u carbismayaa in uu ula rogmado dhanka uu u socdo qulqulkeedu si uu ugu dhex jiro oo aan loo dhibaateyn waxaana ka mid ah in uu xumeysto waxa ay bulshadu xumeysato, yaso waxii ay yasto, dhibaateeyo cidda ay dhibaateyso; mararka qaar waxa uu waxyeello u geystaa si aanu jeclaysteen ama uu gunta ka diidayo laakiin waa uu ku dirqan yahay sababta oo ah isaga ayaa dhibaatoobi doona haddii aanu gudan dhaqan-dhagareedkaas.
Carbisanku waa qaab lagaga mid noqdo bulshada laguna gayo waxa ay gaydo ee ay geysato, waxa aad se ka warrantaa haddii ay bulshadu u diiddo qofka in uu ka mid noqdo oo si jujuub ah loogu rido khaanadda takoorka ee ceebta? Sabab? Waa shil hortii dhacay oo loo cuskanayo taxane dhaqan oo sooyaalkiisa aanu daymo ku gaadhi karin.
Sheekada Hooseeyh Minduusa waxa ay wax badan innaga baraysaa dhaqankeenna bulsho waxaanay innagu baraarujinaysaa sida uu qofku u noqon karo mid bixiya dayn dulsaar badan oo uu ku galay oo qudha in uu nolosha ku yimid shil, sababtuna ay tahay in la isu wada daymaysan yahay oo qof kaste ay qaani duudkiisa cusleysay.
Waa sheeko xanxanteynaysa damiirkeena oo isku dayaysa in ay si uun u toosiso dadnimadeena ay aastay dhitada taariikhda ee gujufka ahi.
Product Details
  • Paperback
  • Somali
  • 2020
  • Hiil Press

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.