Xilliga sheekada Jacayl Dhallaan Galay ku salaysan tahay, maanta iyo weliba isbeddellada dalka ka dhacay, filka dhallinyarada iyo qaabka qoraagu uga xalladinayo, waxa aan hubaa in dhallinyaro badan aad u xiisayn doonto, dareemi doonaanna in ay wax badan tebi doonaan, qaar badanina hilow u qabi doonaan wixii jiray.