Madbacada Hiil Press

Isha cumar ka lulata

In stock
US$13.00
Buugga “Isha Cumar Ka Lulata” waa buug cilmi ku dhisan. Oo uu qoray Georgi Kapchits, waa buug aad u wayn, kaas oo ka kooban 172 Sheekooyin Hidde Soomaali ah oo aan u badinaynno kuwa ugu wanaagsan sheekooyinka ab laga soo gaadhka ah. Waxaa ka mid ah sheekooyinka taxanaha ah ee Arraweelo, Wiil-Waal, Ina-Sanweyne, Yoonis-Tuug, Siyaad Dharyo Dhoobe, Cigaal Shiidaad iyo kowo kale.
Sheekooyinka Soomaaliyeed ee hiddaha ah waxaa loo kala qaybin karaa ugu yaraan shan jaad. Waxay kala yihiin: sheekooyin mala-awaal ah (mythological tales), sheekooyin xayawaan (animal tales), sheekaxariirooyin (fairy tales), sheekooyin sooyaal ah (legends) iyo sheekooyin murtiyeed (novelistic tales).
Qayb waliba waxay u kala qaybsan tahay shan qodob oo u ah noocyada ay sheekooyinka Soomaaliyeed u kala baxaan (Sheeko-bareley/Mythological tales; Sheekoyin Xayawaan/Animal tales; Sheekaxariirooyin/Fairy tales; Sheekooyin male-abuur ah/Legends; Sheekooyin murtiyeed/Novelistic tales.)

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.