Maxamed ismaaciil waa qoraa siminaaro badan ka qabtay aqoonta qofku naftiisa ku horumariyo. Xikmada nolosha adduunka oo uu xogteeda ka dhaxlay jiilki ka horreeyey waxa u dheer in uu mudo bare iyo la taliye u ahaa dhalinyaro iyo dad waawayn oo mustaqbal dhisaaya. Waxa mudo muddo ahaa ganacsade ka dhaxeeyey faa’ido iyo khasaare .
“dhibaatoyinka ummada soomaaliyeed loo aanaynayo in ay si ba’an u aafeeyeen Tn ugu darani waa abaarta iyo arradka maskaxda ka cuskaday buugan “ Himiladaada Hano” ee maxamed ismaaciil maxamed soo-ifbixintiisi safarka dheer u soo maray, aqoon iyo awood uu hantona hagar li’iu dul dhigay, casharada kun duugan ayaa kaalin aan waxtarkeeda la qiimayn karayn ka gaysanaya .ku darso oo buuggani Af soomaali hufan, sah;lan oo hab iyo hannaan aan lagu daalayn lagana daalayn u qaabaysan, ayu uku qoranyahay. Meel ay joogaanba, gudcur-diidka mugdigu daashaday ee kiftiinka aqoonta u oomani waa buuvg ayn ku hirtaan”