Buuggani waa taariikh ku saabsan Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya iyo sidii dal iyo duunyaba loogu halaagsamay. sababihii keenay, sidii ay dadku u fekerayeen iyo isla qoraaga buuggu sidii fikirkiisu ahaa dagaallada ka hor, kadibna uu dagaalku u beddelay.
Xogaha buugga ku qoran waxaa ka mid ah qaar uu qoraagu goobjoog u ahaa kolkii ay dhacayeen, sida markii uu dagaalku Muqdisho ka bilowday ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre magaalada ka baxay. Sidoo kale qoraagu wuxuu soo xiganayaa waxgarad warkooda lagu kalsoon yahay, hay’ado iyo buugaag kale oo laga qoray madhahooyinkii Dagaalka Sokeeye reebay.