Waa buuggii labaad ee Cabdiraxmaan C. Faarax 'Guri barwaaqo' ku darsaday maktabadda Afka Soomaaliga. Buuggani waa eray bixinaha kumbuyuutarka, qoraagu wuxuu Soomaaliyeyn iyo eray ku beegis ku sameeyay erayo badan oo kumbuyuutarku ka ah oo aynaan Af Soomaali ku aqoon ama adeegsanno. Waa buug si guud bulshada manfac u leh mar labaadka ardeyda culuumta kumbuyuutarka barata mar kale goobaha waxbarasho ee Jaamacaduhu ugu horreeyaan iyo si gaar ah qalinlayda turjumaannada ah.