Madbacada Hiil Press

Hagaha qoraaga

In stock
US$5.00
Fikirka buuggani waxa uu ka dhashay baahida weyn ee dad badani, siiba dhallinyaradu, u qabaan in laga gacan siiyo habqoraalka toolmoon. Ogaanshiyaha baahidaasna waxa laga dhex helay codsiyada tirada badan ee ay inta badan helaan qoreyaasha loo tuhunsan yahay waayo’aragnimo qoraal, ee kaga imanayay dhallinyarada iyo cid kasta oo uu qoriddda buug ku cusub yahay.
Buuggani, in kasta oo aanu wada koobi karin baahida farsamo ee qoraagu u qabo qoridda dhigane (buug)—laga soo bilaabo helidda iyo astaynta mawduuca ama fikirka wax laga qorayo, ilaa dhammaadkiisa iyo soosaaristiisa—haddana waxa uu bixinayaa tilmaamo guud oo tubta qoraannimo ku ridi karta qofka wax qoraya. Waxa se lagamamaarmaan ah in qoraagu kan uun ku kaaftoomin e hoos ugu sii dhaadhaco, raadsadana qoraallo ama buugaag kale oo waxqoridda laga qoray.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.