Madbacada Hiil Press

Gundhigga xisaabaadka ganacsiga

In stock
US$10.00
  • 978 1 64826 435 1
  • Dhaqaale
Buuggani waxaa uu ku saabsan yahay gundhigga xisaabaadka ganacsiga, waa buug sahay cilmiyeed ah oo sees u noqonaya aqoontaada ganacsiyeed. Waa mastaraddii aad ku maarayn lahayd ganacsigaa. Waxaad fahan gundheer ka helaysaa dabiicada jiritaannada ganacsi iyo qaababka kala duwan ee loo unko jiritaan ganacsi.
Wuxuu macluumaad iyo warbixinno waafi ah kaa siinaya hannaanka xisaabaadka ganacsi iyo habka loo hilin mariyo. Buuggu wuxuu ku baraya afkaarta iyo mabaadi`da udub-dhexaadka ah ee aqoonta xisaabaadka ganacsigu ku taagan yahay. Wuxuu ku iftiiminaya qaababka kala duwan ee hannaan-maamuleedka jiritaannada ganacsi iyo giraanta dhaqaale waxa ay tahay. Wuxuu ku baraya hantida iyo noocyadeeda iyo xeerarka lagu kala dir-sooco hantida kala geddisan, wuxuu buuggani isugu kaa sidkaya aragtiyaha aqoonta xisaabaadka ganacsi iyo waaqica jiritaannada ganacsi, isaga oo adeegsanaya tusaalooyin ka mid ah nolol-maalmeedkeenna.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.