Madbacada Hiil Press

Guban

In stock
US$10.00
Deegaanka ku hareeraysan silsilad buuraley foolkaaneed ku teedsan waqooyiga galbeed ee Soomaaliya ayay Soomaalida xooladhaqatada ahi ku magacaabaan Guban. Qoraa Cabdiladiif Cige wuxuu magacan u adeegsanayaa maldahaad uu ku cabbirayo qaranka iyo dadkiisa oo dhan. Dunida Guban waxaa ku nool jilayaal kala duwan oo mid kastaa la daaladhacayo xaaladaha nololeed ee bulsho iyo qof ahaan ku xeeran. Waa sheekataariikhayn ku salaysan dhabta ka jirta Geeska Afrika, gaar ahaanna wuxuu diiradda saarayaa iskudhaca casriyaynta, ilbaxnimada magaalowga, dhaqanka soojireenka ah, iyo habnololeedka kala sarrayn la’aanta ku dhisan ee xooladhaqatada wali carrigaa u badani ku nooshahay. Guban waxay dhinacyo kala duwan ka eegaysaa kacaankii Soomaalida, si saamayn isku lehna waxay isugu xidhaysaa sheekanololeedyada kala duwan ee qaybaha bulshada: galti, dood-dhaliyayaaal, diblomaasiyo, geeljirayaal, kacaanraacyo, askar millatari ah, hoggaamiyadhaqameedyo toleed, iyo in kale oo badan. Wuxuu qoraagu Guban ku diiwaangeliyay arxandarradii kelitalisnimada Qaranka ku habsatay iyo cadaadisyadii caalamiga ahaa ee ka imanayay dunida siyaasadaha Dagaalkii Qaboobaa saameeyeen.
Guban waxay kulansatay degdegsiiyaha werin saxaafadeed iyo hummaag ballaadhnida sheekafaneed.
Guban waxay kaloo si qoto dheeri iyo falkin naqdineed leh u soo bandhigaysaa aragtida badanaa habawsan ee indhaha caalamku, gaar ahaan warbaahinta shisheeye, ka haystaan Soomaalida iyo dhacdooyinka dhinacyo badan oo noloshooda dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed, iyo taariikheed la xidhiidha.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.