Magaca ruwaayadu waxa uu ahaa "aqooni waa halkeedee af-garad baa ka horreeya", hase yeeshee markii dib loo qoray si dugsiyada loogu dhigo waxa loo soo gaabiyay oo ay can ku noqotay "Aqoon iyo Afgarad". Dulucda sheekadu waxa ay marka hore kuku salaysantahay in lays af-garto farriinta ruwaayadu waxa ay odhanaysaa in afkaar iyo afaf kala duwan layskula yimaado iyada oo aan la is fahmayn oo hadana la doono in qaran keliya la wada dhistaa, waa mid aan suuro gal ahayn.
Dr jaamac muuse jaamac (PhD) waa cilmi baadhe ku takhasusay daraasaadka afrika. Waxna ka qoray afafka iyo xisaabta.
Waxa uu ka tirsanyahay jaamacadaha university college (London - UK). Waa aasaasaha iyo gudoomiyaha hadda ee xarunta dhaqanka ee Hargeisa iyo bandhiga buugaagta caalamiga ah ee Hargeisa