Qisadii Al- itixaad iyo Cabdullaahi Yuusuf oo dib loo daabacay markii 3aad. Waa qiso ku salaysan dhacdo dhab ah oo ka dhacday gobolladii la odhan jiray Waqooyi Bari ee Soomaaliya. Waa iska hor imaadkii halkaa ku dhex maray ururkii Al-itixaad iyo ururkii SSDF ee uu hoggaaminayey Cabdullaahi Yuusuf. Waxaa markii laad la daabacay 2006. Waa buuggii Saad ee qoraa Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdibashiir) uu soo saaray.