Markuu magaalo kale u guurey, si uu u qabto jagada cusub ee baadhennimo, wuxuu Ivan Ilyich samaystay macaariif iyo xidhiidho cusub. Wuxuu u dhaqmay qaab cusub. Wuxuu raacay waddo tii hore ka yara duwan. Madaxdii gobollada ayuu iska yara weyneysiiyey. Wuxuu doortay kooxii ugu fiicnayd magaalada oo ka kooban sharciyaqaanno iyo dabaqaddii ladnayd ee magaalada deggenayd. Wuxuu bilaabay inuu muujiyo qanaaco-la’aan door ah oo dawladda ku aaddan, liberaalinnimo dhexdhexaad ah iyo muwaaddinnimo ilbaxnimo leh. Intaas marka laga tago, isagoon lebbiskiisii xarragada lahaa waxba ka beddlin, Ivan Ilyich markuu xilkan cusub qabtay wuxuu joojiyey inuu xiiro hareeddadii dhabannadiisa, waxaanu gadhkiisii xorriyad u siiyey inuu meeshuu doono ka baxi karo!