“Alla hoogay’e ! miyaan ahaado nin xoog weyn oo ku caawiya marka reerkiinu ku eryaan” ayuu ku yidhi nebiga (NNKH) ninkii ay u tageen isaga iyo Khadiijo. Dabadeed nebigu (NNKH) wuxu waydiiyey miyay isaarayaan reerkaygu? Odaygii wuxu ugu jawaabay “ Haa way ku saarayaan, ma jiro nin la yimid dacwada aad la timid oo kale; hadii uu jirona reerkiisu way saareen oo waxay ka eryeen dhulkii ay degganaayeen”. Hadalkani waxa uu inoo cadaynayaa in sunnaha ILAAHAY ee dhulka guudkiisa ku qormay ama yahay in markasta la helayo dad si badheedh ah uga soo hor jeedsada dacwada iyo diinta saxda ah....
Tariikhda nebigu (NNKH) waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu cajiibsan ee soo maray caalamka, sidaa darteed qofka muslimka ah waxa la gudboon in uu fahmo ujeedada ugu weyn ee ay ku fadhido taariikhdaasi, iyada oo laga duulayo kutubta iyo qoraallada rasmiga ah ee culimaddu sameeyeen. Buugga "Gebagebadi Waxyiga" waxa uu si guud uga hadlayaa siiradii Nebiga ( NNKH ) oo runtii ah taariikh iskeed u ah cilmi iyo cibro is barkan. Hadii aad jeclayd in aad akhrido oo wax ka ogaato taariikhda Islaamka xiligii Nebiga calayhi salaam, balse luuqada carabidda oo ah mida ugu badan ee ay ku kaydsan yihiin buugta ka hadlaya mawduucaas aad isku liidateen hada, buugan ayaa dhibtaas kaa xaliyey oo luuqadaada hooyo kugu baraya aqoon ay tahay in qof walba oo muslim ah barto ama ogaado.