Madbacada Hiil Press

Faraadin

In stock
US$6.50 US$8.00
Buuggan FARAADIN waxa uu ka kooban yahay xogo xidhmooyin ah, oo ku saabsan ku-tidhi-ku-teenka caafimaad ee bulshadeenna dhibta weyn ku haya marka ay xaalado caafimaad darro la soo darsaan, waxaana uu buuggu soo bandhigayaa caddaymo aqoonta caafimaadka ku salaysan oo innaga qancin kara aaminaadahan. Buuggu waxa uu shaaca ka qaadayaa aaminaado aan sal iyo raad lahayn oo in badan ay ku dhaqmayeen qaar ka mid ah bulshadeennu.
Buuggan FARAADIN waxa sida oo kale ku jira talooyin caafimaad iyo digniino ka yimi khubarada caafimaadka iyo hay’adaha arrimaha caafimaadka ka shaqeeya ee adduunka, talooyinkaas iyo digniinahaas oo isugu jira ka hortag, feejignaan iyo daweynba.
Ku-tidhi-ku-teenka caafimaadku waa halis wayn oo bulshadeenna hadhaysay. Bukaan badan baa marka lagu tijaabiyo aaminaadahaas dhibaatooyin caafimaad la kulma sida in dhaawacyo jidheed iyo qaar maskaxeed soo gaadhaan, in xanuunkii ku sii kordho, iyo in la daweyn kari waayo marka dambe amaba ay wakhti dheer qaadato in laga daweeyo saamayntii ku-tidhi-ku-teenku ku keenay. Intaa waxa dheer in dhimasho ay keeni karaan aaminaadahaasi oo ay nafo galaafateen.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.