Waa taariikhnololeed ku salaysan waayo iyo waxqabad dhab ah iyo hab gudbineed dhif ku ah dhigaalka Soomaalida. Waaya-aragnimo miiran oo wax badan oo ogaal iyo cibro ah laga qaadan karo. Yaraan iyo waayo tegay ilaa waynaan waayo adduun, dal iyo dibad, qadhaadh iyo macaan, farxad iyo murugo, Halgan nololeed heerar badan leh iyo in kale oo badan. Baalka aad rogtaaba kan kan kale ka sii xiise iyo xog badan.