Madbacada Hiil Press

Danan

In stock
US$12.00
Fanka casriga ah ee Soomaalida oo heesahu ugu toolmoonsanyihiin, waxa uu ka dab-qaatay, dhalashadii balwada oo ah yagleesha fanka casriga ah u noqotay, qori-noolays hulaaqiisu duugoo-bay. Dhalashadii fanka casriga ah, duruufo badan ayaa suuragaliyey inuu si baaxad leh u faafo, isuna-dhalan-rogo, hana-qaadna noqdaan bilashadii heellooyinkii qaaraamiga ahaa, laxamayn ashqaraar leh lagu majeerto, illaa lasoo gaaray waayihii heesaha iyo horumarintii masraxa.
 
Curashada balwada ka hor, Soomaalidu waxa ay ahayd bulsho-suugaanneed, sabool ka ah fan carsi ah, oo buuxin kara baahi-fanneedka bulsho hormarsan ama bulsho magaalo oo ay weheliso xiiso-bulsheed aan laga gayoonayn. Waxa ay ahayd dhif iyo naadir bulsho aan waayadaas lahayn fan cusub, oo la jaanqaadaya dhalan-rog bulsheedka iyo xaddaarahada ugubka ah ee dunida ku waabariisanayey waaba-waaga ka danbeeya.
 
Ganacsiyadii oo baabuurtu is gaarsiin-ganacsiyeed ka ahaayeen, ayaa xoogaystay oo ay wehelisay isku-xiran bulsho iyo magaaloobid tixgelin leh, oo dhammaantood saamayn togan ay ku lahaayeen dhalashadii iyo hanaqaadkii balwada. Waxaa iyada tixgelin lahaa saamayntii fanka dadyowga kale oo hinnaaso geliyey hal-abuuro uu ka midyahay; Cabdulaahi Qarshe. Buugga Danan waxa uu si baaxad leh, oo qoto-dheer u faaqidayaa geeddi-socodka fanneed iyo sooyaalkii hormuudkii fanka oo uu abwaan Cabdi Deeqsi Warfaa ugu foolaadsanaa, fara-ku-tiris na tahay buuggaagta sida, dulucda buuggani uu faahfaahinayo.

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.