Waxaa kulmay maanka iyo qalbiga maansoyahanka Axmed Sheekh Jaamac iyo waxa ka socda adduunka uu ku nool yahay. Waxaa ka dhashay sheeko maanseeddan layaabka leh. Xanuun "Uurka" ah iyo "arami" iyo wax maankiisa ruxay baa keenay.
Rashiid Sheekh Cabdillaahi Axmed "Gadhwayne"
Dhiganahan waxaa uu koobsaday suugaan, maankaashi iyo farshaxannimo heerkii u sarreeyay. waa dhiganne lagu cabbirayo waaciqa nolosha xoolaha iyadoo lagu ladhayo tixo aad u qurux badan.