Dagaal sokeeye bartankiisa jacayl ma kugula dhacay? Waa sanadda 2000. Muqdisho waxay ku jirtaa sanadkii sagaalaad oo dagaal sokeeye ah. In kasta uu shir dibu heshiineed Jabuuti ka socdo, hadana rajo la'aan baa jirta maadaama hogaamiye kooxeedyada Xamar xoogoodu shirka kasoo hor jeesteen. 'U Gabar Ah Deegaan Dhan' waxay ka sheekeynaysaa dhalinyaro colaad ku dhex kortay, wax ku baranaysa, jacayl uu la darsayo, iyo bulshada iyaga ku teedsan sida ay Muqdisho ugu noolaayeen sanadihii 2000 illaa 2005. Muna iyo Yuusuf waa dhalinyaro dugsiga sare wada dhigata. Sheeko wajiyo kala duwan yeelatay baa dhex martay. Iyagu waa is rabaan laakiin dhaqan iyo duruufo kale baa ku kala dhex jira. Yuusuf waxaa duruufahaas usii dheer in saaxiibkiis Ciise uu isna Muna damcay, tartan lixaad lehna uu dhankiisa ka Sakariye Cismaan Wuxuu ku dhashay, kuna barbaaray magaalada Muqdisho. Tobankii sano ee ugu horreeysay ee dagaalka sokeeye uu socday Xamar buu deganaa, dugisiga hoose/dhexena uga baxay. Sanadkii 2003 buu Sakariye degay magaalada London ee dalka Britain halkaas uu waxbarashadiisii kasii watay. Sakariye shahaadada bachelor's degree wuxuu ka qaatay jaamacadda University of Westminster. Shahaadada master's degree-gana wuxuu ka qaatay SOAS, University of London.
Sakariye waa saxafi iyo qoraa wargayso caalami ah sida Washington Post lasoo shaqeeyay. Hadeer wuxuu agaasime iyo tifetire ka yahay majaladda Gorfayn.