Maaddaama qoyskiisu ahaa jeeb dhexaad waxa uu kaaral Maarkis ku koray (1818-1883) ku koray nolol iska adag. Isaga ayaa wax is baray. Falsafadda ayuu jeclaaday; walow aabihii kula dardaarmay inuu qaanuunka barto, haddana isaga oo talada aabihii qaatay waxa jiidatay falsafaddii uu jeclaa.
Kaddib buugaagtiisa "Das Kapital" waxa ay isaga iyo saaxiibkii Feredrig soo wada saareen buuggan "The communist Manifesto" ee Baaqa Shuuciga. Kaas oo marjac iyo buug olole u noqday xisbiyada shuuciga. Waana halka ay iskaga xidhmeen ee ilaa imika sababtay in la isku murgiyo Shuuciyadda, Hantiwadaagga iyo maarkiisiyada.
"Maarkis aragtiyihiisa ku aaddan bulshada iyo loollanka ka taagani waa dhaxalka ugu roon ee uu ka tegay: Dabaqadda shaqaysa oo uu boroolataariyad u yaqaanno iyo sida ay ugu hoos bahdilan tahay dabaqadda dheregtay oo uu burjuwaasiyad u yaqaan. Loollanka labadan qolo u dhexeeya ayuu maarkis ku dooday, in uu ka dhasho isbedel bulsheed."
Halkan waxa aynu sida ugu waaqicisan ugu fahmaynaa xaqa uu leeyahay qofka shaqaalaha ahi meel kasta oo uu joogaba. Madaxbanaanida shaqada ama waxa uu ugu yeedhay (democracy in workplace) iyo in burjuwaasiga lacagta urursanaya ama aan jeclayn in uu mushahar fiican siiyo xoogsatadu uu isaguna yahay (karis-xun iyana wax ku la') oo aanay suurtagal ahayn in badeecaddiisa ay xoogsatadu iibsato.