Maasooniyaddu markii ay adeegsatay Sahyooniyadda si ay u qabsadaan Falastiin, waxa ay fulinayeen riyo weyn oo ka mid ah riyooyinkooda: in Haykalka Saleebaan laga dhiso meesha uu ku yaallo masaajidka al-Aqsa. Sababta Haykalka loo dhisayana waxa ka danbeeya ballanqaad ku qoran Tawraad. Eebbe waxa uu Yuhuudda u ballanqaaday in uu Aakhiru Sabaanka soo diri doono nin tafiirtooda ka mid ah, kaas oo ka soo ururin doona filiqsanaantooda, oo dunida xukumi doona isaga oo saldhiggiisu uu yahay dhulka barakaysan ee Falastiin. Inkasta oo uu Eebbe u rumeeyay ballanqaadkaas, oo uu u soo direy nebi Ciise haddana waa ay beeniyeen. Markii ay arkeen isaga oo laanqeyrta (macatabka) ku dhimanaya, waxa ay yaqiinsadeen in aanu kani ahayn Masiixii samatabixiyaha ahaa ee loo yaboohay. Yuhuudda dunidu maanta waxa ay sugayaan in uu Eebbe u soo diro ninkaa samatabixiyaha ah ee aan Ciise ahayn, ee ah mid kale. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in ay wax uun iska sugayaan.
Kuwani –Maasooniyiinta iyo Sahyuuniyadda –sida aan kuu sheegay Ilaahay ma aqoonsana mana garanayaan Masiixa samatabixiyaha ah. Ilaaha ay caabudaan waa dabsidaha Luusifar. Waxa ay u samaynayaan waxa ay sameeyeen oo dhan si uu u soo dego Masiixa Luusifar; inanka Ibliis; Dajaal Cawar, kaas oo dunida oo dhan ka maamuli doona dhulka barakaysan ee Falastiin, gaar ahaanna magaalada Quddus.
Magaca buugga: Antikiriistoos
Magaca qoraaga: Axmed Khaalid Mustafa
Turjume: Cali Ileeye