Marka aan dib u milicsado sooyaalka aan la soo maray tixda, waxa hubaal ah in aan kala mid ahay qof kasta oo Soomaali ah oo carruurnimo ku soo gaadhay xilliyadii dhaqanka miyigu uu ahaa ka lagu ababiyo ubadka. Socdaalkaa oo ka soo bilaabmi jiray heesihii carruurtu hooyada ka baran jirtay ee da'iba da' ka dhaxli jirtay.
Jacaylkaa waxa sii darariyey ciyaarihii hiddaha iyo dhaqanka ee la soo bandhigi jiray xilliyada aroosyada iyo barwaaqada iyo riwaayadihii iyo heesihii kooxihii fanka ee doorka weyn ka qaatay kaydinta iyo korinta suugaanta, da'yartana dhegahooda u fiiqay dookhooga muusigga, kuna tallaalay dhadhanka fanka. Intaa wixii ka dambeeyey waxay suugaantaydu, ku darartay kuna hoortay qurbaha, gaar ahaan Gacanka Carbeed oo aan in badan degganaa.
Halkaa ayuu dareenkaygu kala fal galayey waayaha haystay dalkii iyo dadkii aan ka imid, duruufaha caalamku marayo, gaar ahaan xaalka Afrika iyo dadka madaw ee adduunka ku nool. Tixaha qaarkood oo xambaarsan waaya'aragnimo, hilow iyo hiirtaanyo ku qotoma muxuu dalkaagu sida dalalka kale u noqon waayey, muxuu dadkaagu sida dadyowga kale u noqon waayey, qaarna aan kula sheekaysanayey, nafta, waqtiga iyo bulshada, ayaa ii suurto galiyey inaan sheed ka qiimayeeyo, oo aan kaynta arko e e aanan geedaha ku mashquulin, sida ay tilmaanto odhaahda ingiriisi ahi "Cannot see forest for the trees."
- Xigasho buugga Afrikaay Warlaay
Be the first one to review this product.
Your review is submitted for approval.
Subscribe to Our Newsletter
Subscribe to our newsletter & get notification about discounts.
Subscribe to Our Newsletter
Subscribe to our newsletter & get notification about discounts.
By subscribing to our newsletter you agree to our Privacy Policy.