Sannad uun ka dib xornimadii iyo midowgii labadii gobol ee Soomaalida ee gumeystayaasha Ingiriisika iyo Talyaanigu kala maamuli jireen ayay xubno ka tirsan ciidammada qalabka sida oo ka soo jeeda gobolkii Ingirilsku maamuli jirey (British Somalil and Protectorate) isku dayeen afgembi millateri oo ka dhan ahaa dawladdii xilligaa talada u haysay Jamhuuriyaddii Soomaalida ee cusbayd. Afgembigaasi waa uu dhicisoobey oo curdankaa lagu dhadhiyay, sababo badan oo in yar si dhab ah looga ogyahay dar tood. Waagan oo nus qarni ka badan laga joogo dhacdadaa wayn ee taariikheed, Soomaalida in yar oo waliba dheg ka maqal u badan ayaa ka warqabta ama xog sugan ka haysa! Haddaba, inta aan la is la gaadhin falanqaynta iyo muhimmadda ay dhacdadaasi leedahay, waa in horta la ogaadaa oo laga dhergaa xogta wixii dhacay, sidii wax u dhaceen, sabibihii iyo duruufihii ka dambeeyay abaabulka iyo fashilinta afgembigaa Afrikada xorta ah kuwoodii ugu horreeyay ee la isku deyay ka mid ah.
Buuggani waa isku-day ballaadhan oo uu qoraagu ku doonayo in su'alahaa iyo kuwo kale oo muhiim ah uu si cilmiyaysan oo tixraacyo sugan leh uga jawaabo. "War la helaaba talo hel" ayaa ka dhab ah buuggan oo uu qoraagu xil wayn iska saaray in aanu kutirikuteen talo ka deyine, xoogga saaro cilmibaadhis ilo qoran salka ku haysa iyo xogo goobjooge oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsanaa saraakiishii afgembiga isku dayday oo uu afkooda ka qaadayo, taas oo sees adag oo in badan laga sii ambaqaadi karo u dhigaysa raadraacyada sugan ee la xidhiidha Afgembigii Dhicisoobey ee 1961..