Madbacada Hiil Press

Saacad Baas

300 left in stock
Buuggan magaciisu yahay "saacad baas" ee uu qoray qoraa gaabow waa mid ka mid ah kuwa udub dhexaadka u ah buugaagta qoraagan caalamiga ah, gabra'iil gaarshiya markees. Waa buug sheeko faneed ah oo raacaya hannaankii fududaa, haddana xeesha dheeraa ee lagu yaqaannay qoraallada gaabow.
$9.00

Buuggan magaciisu yahay "saacad baas" ee uu qoray qoraa gaabow waa mid ka mid ah kuwa udub dhexaadka u ah buugaagta qoraagan caalamiga ah, gabra'iil gaarshiya markees. Waa buug sheeko faneed ah oo raacaya hannaankii fududaa, haddana xeesha dheeraa ee lagu yaqaannay qoraallada gaabow. Sheekadani waxa ay isku soohaysaa dhacdooyin iyo dareemo kala duwan. Shakhsiyado kala duwan oo magaalo yar ku wada nool ayay ku kala baraysaa oo misana ku tusaysaa sida ay noloshoodu isugu qoofalan tahay. Sheekadani waa mid u dhaadhacaysa nafsadda hoose ee aadanaha. Waxaad kaga boganaysaa ismaandhaafyo ku salaysan aragtiyo diimeed, siyaasadeed, iyo hab-nololeedka guud ee bulshadaba. Sheekadani waxa ay ku tusaysaa aadamaha iyo sida ay naftiisu ugu nugushahay xaalad-abuurka iyo rabshadaha.

 

Dhacdo kasta iyo eray kasta oo sheekada ku jiraa meel ayuu buuxinayaa, ee yaysan kaa hoos bixin. Buuggani wuxuu ku dhex qaadsiinayaa dhacdooyin yaryar oo si maalinle ah u dhaca, laakiin marka u danbeeya qaabayn doona sawirka weyn ee dulucda sheekadu ku aroorayso iyo jihada ay magaaladaasi mustaqbalka qaadi doonto. Suugaan ahaan, waa sheeko nuxur badan oo tayo sare leh. Haddii ay noqon lahayd, xagga dhisidda shakhsiyadaha, isku taxnaanta dhacdooyinka, sifaynta deegaanka iyo tan aan lagu gaadhin qoraa gaabow oo ah qaabaynta doodaha iyo wada-sheekaysiga dhex mara metelayaasha qisada.

 

Product Details
  • Paperback
  • Somali
  • 2022
  • Hiil Press

Add a review

Be the first one to review this product.

Your review is submitted for approval.