Cali Xasan Salaama oo caan ku ah 'Amiirka Cas' 'isaga oo da' yar ayaa uu ka mid noqday, halyeyada halganka Falastiiniyiinta ee muddada dheer cabsida iyo jaahwareerka ku hayay sirdoonka Yuhuudda MOSSAD.
Waxa uu ahaa sarkaal sirdoon oo garaad badan, shakhsi dareen amni leh oo ildheeri lagu tilmaamsado iyo dagaalyahan qorsheeyey hawlgallo sirdoon oo aad u yaab badan.
Kartida yaabka leh ee lagu arkay waxaa ka mid ah in uu CIA da maraykanka xidhiidh fiican oo wada shaqayneed la lahaa, haddana dagaal maryo dhiigleh la kala furanayo uu kula jiray xulafadooda ugu weyn dunida oo MOSSAD ah. Arrimahaas oo faahfaahsan ayaa aad kaga bogan doontaa buuggan.
"MOSSAD muddo dheer ayaa ay Cali Salaama ku daba jirtay oo ay ku fashilantay qabashadiisa, mararka qaarkoodna fadeexado iyo 'ceebo uga dhaadhacday raadintiisa"